Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho ka Socota Syria


Shacabka Syria ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya doorasho la filayo in uu si weyn ugu guuleysan doono Madaxweyne Bashar Al Assad oo doonaya in mar saddexaad la soo doorto, xilli dagaaloo sokeeye oo lagu hoobtey ay waddanka hareeyeen.

Mucaaradka Syria iyo dalalka reer galbeedka ee taageera ayaa qaadacay doorashada oo Madaxweyne Assad ay kula tartamayaan laba musharrax oo aan si weyn loo aqoon, kuwaas oo dowladdu ay ansixisey.

Raiisul Wasaaraha Syria Wael al-Halqi ayaa ku booriyey shacabka inay codeeyaan, isagoo sheegay in doorashada ay tahay maalin taariikhi ah oo soo martey shacabka Syria. Waxaa uu intaa ku darey in doorashadan ay waddanka u horseedeyso inay cagta saarto waddadii soo kabashada.

Maliishiyada fallaagada ayaa muddo ka badan saddex sanno wadey dagaal ay doonayeen inay xukunka kaga tuuraan Madaxweyne Assad.

Assas ayaa talada waddanka soo hayey tan iyo sannadkii 2000, geeridii aabihii kadib, waxaana uu sannadkii 2007 ahaa musharraxa qura markii uu mar labaad ku guuleystey tartanka madaxtinimada sannadkii 2007.
XS
SM
MD
LG