Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Kale oo ka Dhacay Hargeysa


Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo
Magaalada Hargeisa waxaa xalay fiidkii ka dhacay qarax kaasi oo wararku ay sheegayaan in uu dhaawac fudud soo gaarsiiyey hal qof oo goobta ka ag dhawaa.

Qaraxani ayaa ka dhacay goob aan sidaa uga fogayn Xarunta Madaxtooyada Somaliland,waxaana uu noqonayaa kii sadexaad ee ka dhaca shan maalmood gudahood.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade oo Jimcihii aynu soo dhaafnay warbaahinta la hadlayay ayaa qaraxyadani la xiriiriiyay khilaafka cakiran ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohamed Siilaanyo ayaa isna arrimahan ka Hadley dhowaan, wuxuuna sheegay inaanu cidna ammaanka gorgortan kala galayn gacan adagna ay ku qaban doonaan, hasayeeshee dhacdadan xalay wali mas’uuliyiiinta amniga wax war ah kama ay soo saarin .
XS
SM
MD
LG