Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo Soo Bandhigtay Ciddii Fulisay Qaraxii al Shabab


Magaalada Djibouti
Magaalada Djibouti
Dowladda Djibouti ayaa soo gabagabaysay dambi-baadhistii la xiriirtay qaraxii ka dhacay Djibouti 24kii May. Xeer ilaaliyaha Guud ee Djibouti ayaa soo bandhigay cidda ay ahaayeen labada qof ee qaraxa fulisay iyo halka ay ka yimaadeen.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Sheraton ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Djibouti, Maki Cumar Cabdiqaadir, iyo madaxa dambi-badhista ee Booliska Djibouti, Col Cumar Xasan, waxay faahfahin uga bixiyeen natiijada dambi-baadhista qaraxa oo la soo gababgaeeyay.

Xeer ilaaliyaha Djibouti ayaa sheegay in ay u caddaatay in labada qof ee qaraxa fuliyay ay kala ahaayeen Muuse Rooble Hiraab, iyo Hodan Maxamed Ciise oo soo galay Djibouti 22kii May, Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Hargaysa iyaga oo ka soo gudbay barta kantroolka ee xadka ee Lowyacaddo.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in soo galitaankooda uu u fududeeyay askari ka tirsan booliska Djibouti oo lagu magacaabo Sulaymaan Axmed Waaberi, kaasi oo imika xabsiga ku jira.

Faahfahinta arrintaasi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan .
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00
XS
SM
MD
LG