Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Cambaareysey Rabshadaha Ukraine


Obama
Obama
Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in toogashadii lagu soo ridey diyaaradda helicopter-ka Ukraine ee ay geysteen kooxaha gooni u goosadka ee taageersan Russia ay muujinyeso in fallaagadu ay hub casri ah iyo kaalmo kaleba ka helaan dalka dibeddiisa.

Hadalka Afhayeenka Aqalka Cad, Jay Carney ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah ee Ukraine uu sheegay in fallaagada ay gantaal gacanta laga gamo ku soo rideen diyaaradda.

Waxaa uu sheegey in 14 askari oo uu ku jiro nin general ah inay ku dhinteen weerarkaasi oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Slovyansk ee bariga Ukraine.

Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry waxaa u wallaac ka muujiyey rabshadaha weli socda iyo wararka sheegaya inay jiraan xoogag shisheeye oo soo gelaya Ukraine, kuwaas oo ka soo tallaabaya dhanka Russia.
XS
SM
MD
LG