Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Ciidanka oo ka Badbaaday Qarax


Qarax hore (Kaydka)
Qarax hore (Kaydka)
Taliyaha ciidanka Somalia ayaa ka badbaaday isku day u muuqday inuu ahaa weerar bam oo lagu soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada Somalia ayaa sheegay in bam la dhigay jidka Gaawgiisa uu qarxay xilli ay jidka marayeen baabuur kolonya ah oo waday taliyaha ciidanka qaranka General Dahir Adan Elmi.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Hodan iyada oo taliyuhu ku sii jeeday dhinaca wasaaradda gaashaandhiga.

Booliska ayaa hawlgal baaritaan ah bilaabay waxaanay soo qabtaan ku dhawaad 30 qof.

Ma jirto illaa imika cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:51 0:00
XS
SM
MD
LG