Isku xirrada

Khilaafka ka Dhex Jira Xisbiga Kulmiye


Muuse Biixi, Guddoomiyaha Kulmiye

Muuse Biixi, Guddoomiyaha Kulmiye

Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa khilaaf soo kala dhex galay awgeed u kala qaybsamay laba garab.

Labadan garab ayaa waxaa mid ka mida hoggaminaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo halka garabka kalena uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Garabyadan ayaa xilligan magcaabay guddiyo fulineed oo iska soo horjeeda iyada oo loollan adagi ka socdo awoodda xisbiga iyo murashaxnimada madaxweynenimo.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin arrintaasi ku saabsan.

XS
SM
MD
LG