Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Bartamaha Djibouti


Qarax lala beegsaday makhaayad ay wax ka cunaan dadka reer Galbeedka ee degan Djibouti ayaa waxaa ku dhintay 3 qof, 15 kalena way ku dhaawacmeen.

Wasaaradda arrimaha dibedda Djibouti, ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaraxan ay fuliyeen nin iyo naag xijaab qabta oo ka yimid Soomaaliya.

Ilaa hadda cidna ma sheegan inay qaraxaasi ka danbeeyeen.

Djibouti waxay ka mid tahay dalalka ciidamada u diray Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira ururka al-Shabaab.

Sidoo kale Djibouti waxaa ku yaalla saldhigyo military oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiis.
XS
SM
MD
LG