Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Cunaqabateyn ku soo Rogtey Boko Haram


Hoggaanka Ururka Boko Haram
Hoggaanka Ururka Boko Haram
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ururka Boko Haram ku darey liiska cunaqabateynta, iyagoo ku soo rogey cunaqabateyn dhinaca hubka iyo xayiraad lagu soo rogo hantida ururka.

Danjiraha Australia u fadhiya Qaramada Midoobay Gary Quinlan oo madax u ah gudiga cunaqabateynta Al Qaacida ee Golaha Ammaanka ayaa weriyeyaasha u sheegay in tani ay tahay talaabadii ugu horeysey oo loo qaado in la jaro taageerada caalamiga ee ururka Boko Haram.

“Tani waa fariin ku socota dadka caadiga ah ee laga yaabo inay isku dayaan inay kaalmo ha noqoto mid dhaqaale, hub la siiyo ama laga iibiyo. Waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba jarno nooc kasta oo taageero ah oo ururkani uu heli karo”.

Ururka Boko Haram waxaa uu ka dhisan yahay waqooyiga bari ee Nigeria, waxaana dagaalyahanadiisa ay dileen kumanaan qof tan iyo sannadkii 2010-ka, iyagoo taasi ka dhigaya inay qeyb ka tahay dadaalka ay doonayaan inay ku qasbaan dowladda Nigeria dhaqangelinta shareecada Islaamka.

Dhowaan, Boko Haram waxay mar kale si xooggan uga dhex muuqdeen wararka caaalamka, kadib markii ay afduubeen ku dhowaad 300 oo gabdhood oo wax ka baranayey waqooyiga Nigeria.

Danjire Quinlan ayaa sheegay inay jiran caddeymo muujinaya in dagaalyahanada Boko Haram ay tababar la qaateen ururka Al Qaacida ee Galbeedka Afrika, isla markaana ay ka barbar dagaalameen ururada xiriirka la leh Al Qaacida ee ku sugan Mali.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale dagaalyahannada Boko Haram ay barteen sida loo sameeyo walxaha qarxa, taasina ay tahay sumadda lagu yaqaano Al Qaacida, iyadoo dhowaanna hoggaamiyaha Boko Haram uu soo saarey hadal uu si xooggan ugu taageerayo ururrada Al Qaacida xiriirka la leh eek a jira dalalka Iraq, Afghanistan, Somalia iyo Yemen.

Danjiraha Mareykanka ee QM Samantha Power ayaa sheegtay in talaabada Boko Haram loogu darey liiska cunaqabateynta Al Qaacida ee Golaha Ammaanka ee QM ay muhimad weyn u leedahay taageerada la siinayo Nigeria ee ku aaddan dadaalka ay ugu jirto inay ka baabi’iso Boko Haram, hoggaamiyeyaasha ururkaasina lagula xisaabtamo falalka waxashnimo ee ay geysnayaan.

Waxay intaa ku dartey in talaabadan ay sidoo kale xiri doonto dhammaan ilaha dhaqaalaha, socdaalka iyo hubka ee Boko Haram,” iyadoo dhanka kalena ay tani muujineyso sida dunida ay uga mideysan tahay ka soo horjeedka falalka waxashnimo ee Boko Haram.
XS
SM
MD
LG