Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia, China oo Diiday Qaraar ka Dhan ah Syria


Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay
Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay
Russia iyo China ayaa codka Veto ku diidey qaraar Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku doonayey in tacadiiyada dagaalka Syria lagu wareejiyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ee ICC.

Tani waa markii Afraad ee labada dal ay isticmaaleen codka veto si ay uga hortagaan talaabo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay doonayey inuu ka qaado Syria tan iyo markii dalkaasi ay colaadda ka dilaacdey sannadkii 2011-ka.

Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariey Faransiiska, waxaana lagu dhaleeceyey xadgudubyada baahsan ee ka dhanka ah aadamiga ee ay ku kacayaan mas’uuliyiinta Syria iyo maliishiyaadka dowladda taageersan, iyo weliba kooxaha kale.

Danjiraha Russia ee Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin ayaa sheegay in qaraarka uu ahaa mid sii adkeynaya hadafka la doonayo in xal siyaasadeed loogu helo xasaradda Syria.
XS
SM
MD
LG