Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab: Dagaalka Kenya ayaan u Wareejinaynaa


Kooxda Alshabab ayaa wacad ku martay inay dagaalka u wareejinayaan gudaha dalka Kenya.

Kooxdan waxay sidoo kale ku baaqday in dadka Muslimiinta ah ee Kenya ay ka qeyb noqdaan dagaalka.

Hadalkan waxaa sheegay Fuad Shongolo oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee al-Shabab.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo dagaal kula jira maleeshiyada ururka al-Shabab.

Fuad wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya Fuad ku dileen dad shacab ah, taasina ay ku qasbayso inay dagaal la galaan Kenyaatiga.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa toddobaadkan laba jeer duqeyn ka geystay gudaha gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay leeyihin ururka al-Shabab.
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00
XS
SM
MD
LG