Isku xirrada

Mubarak oo Xarig Lagu Xukumey


Mideast Egypt

Mideast Egypt

Maxkamad ku taalla Masar ayaa saddex sanno oo xarig ah ku xukuntey madaxweynihii hore Hosni Mubarak kadib markii lagu heley dembi ah inuu six un u isticmaaley hantida qaranka.

Laba wiil oo uu dhaley Mubarak ayaa iyaguna lagu xukumey midkiiba afar sanno oo xarig ah kadib markii iyagana lagu heley isla dembigaas lunsashada hantida qaranka.
Labadaa wiil ayaa kala ah Gamal Mohamed Hosni iyo Alaa Alaa Mohamed Hosni.

Maxkamadda ayaa Mubarak iyo wiilashiisa ku heshey in malaayiin dollar oo loogu talagaley in lagu dayactiro xafiisyada madaxtooyada ay u adeegsadeen dayactirka guryahooda lagu raaxeysto.

Waxaa kale oo saddexdooda lagu xukumey ganaax dhan 3 milyan oo dollar, iyadoo sidoo kale lagu amrey inay khasnadda dowladda u celiyaan lacag ku dhow 18 milyan oo dollar.

Kiiskan ayaa ka mid ah laba kiis oo ka dhan ah Mubarak oo talada laga tuurey sannadkii 2011-ka.
XS
SM
MD
LG