Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo Ciidamadeeda ka Saareysa Xadka Ukraine


Wasaaradda Difaaca ee Russia ayaa sheegtay in ciidamadii ka joogay goobo ku dhow xadka Ukraine ay bilaabeen inay kala furfuran xarrumahoodii ku meel gaarka ahaa, iyagoo fulinaya amarkii uu soo saarey Madaxweyne Vladimir Putin oo ahaa inay dib ugu soo laabtaan saldhigyadooda.

Iyadoo bariga Ukraine ay weli ka socdaan rabshado, ayaa Russia waxay sheegtay in ciidamadeeda ku sugan gobollada Bryansk, Belgorod iyo Rostov ay isku diyaarinayaan dib inay ugu soo laabtaan saldhigyadooda. Madaxweyne Putin ayaa amarkan bixiyey maalintii Isniinta.

Joogitaanka ciidamada Russia ee xadka Ukraine ayaa wallaac weyn ku dhaliyey dalalka reer galbeedka.

Gaashaanbuurta ayaa maalintii Isniinta sheegay inaaney weli arkin daliil cad oo muujineysa in la fulinayo amarkii uu soo saarey Mr Putin.

NATO waxay sheegtay in Russia au ilaa 40,000 00 ciidan ka joogaan xadka ay la leedahay Ukraine.
XS
SM
MD
LG