Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Guud ee Malawi oo Bilaabatey


Madaxweynaha Malawi Joyce Banda
Madaxweynaha Malawi Joyce Banda
Shacabka Malawi ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada, iyadoo madaxweynaha haatan talada haysa Joyce Banda ay tartanka kula jiraan 11 musharrax.

In ka badan 7 milyan oo qof ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan doorashadan sida adag loogu hardamayo.

Madaxweyne Banda ayaa Malawi ka talineysey tan iyo sannadkii 2012 markii ninkii ka horeeyey, Bingu wa Mutharika, uu geeriyoodey isagoo weli xilka haya.

Musharrixiinta ugu cadcad ee la tartameysa ayaa waxaa ka mid ah nin la dhashey Mr Mutharika oo magaciisa la yiraahdo Peter, wadaad hore uga tirsanaa kaniisadda oo la yiraahdo Lazarus Chakwera, iyo Atupele Muluzi, oo ah wiil uu dhaley madaxweynihii hore ee Malawi Bakili Muluzi. Saddexdan nin ayaa horey ay xisbiyadooda ugu guuleysteen tartanka madaxtinimada.

Musharrixiinta ayaa ololahooda kaga hadley arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha si ay ugu talada dalka.

Doorashadan ayaa waxaa kale oo lagu soo dooranayaa xubnaha baarlamanka iyo dowladaha hoose.
XS
SM
MD
LG