Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maliishiyaad Hakiyey Hawlaha Baarlamanka Libya


General Khalifa Haftar
General Khalifa Haftar
Maliishiyaad taageersan general horey uga tirsanaa ciidamada Libya ayaa sheegay inay hakiyeen hawlihii baarlamanka kadib markii ay weerar ku qaadeen xarunta baarlamanka.

Ciidamadan fallaagada ah ee uu horkacayo General Khalifa Haftar ayaa maalintii Axadda xoog ku galey dhismaha baarlamanka ee magaalada Tripoli, iyagoo halkaasi rasaas la dhacay, isla markaana boobay xafiisyadii xildhibaanada.

Waxaa la arkayey qiiq madow oo ka soo baxaya dhismahaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba qof la diley qiyaastii 50 kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahan.

Dowladda KMG ee Libya ayaa dhaleeceysey weerarkan.
XS
SM
MD
LG