Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Kenya oo ka Hadley Falal ka Dhacay Mandera


Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska ee Kenya Davd Kimaiyo ayaa sheegey in maanta degaanka Mandera ee waqooyiga bari ee Kenya ay ka dhaceen falal amnidarro oo dad ay ku dhinteen.

Tuulada Takaba ee Mandera waxaa ku dhintey 3 qof 4 kalena si xun ayay ugu dhaawacmeen markii dagaal uu mar kale dhexmarey beelo halkaasi wada dega.

Dhacdo kale xubno ka tirsan ciidamada amniga ee degaanka ayaa gawaaridii ay wateen waxaa dhexda u galey burcad hubeysan inta u dhexeysa tuulooyinka Carabiya iyo Cumar Jilo, halkaas oo mid ka mid ah gawaaridaasi rasaas xooggan lagu furey, balse ma jiraan dad wax ku noqdey.

Falka saddexaad ay aka dhacay degaanka Carabiya markii afar gaari oo sidey qaad oo ka yimid Meru, iyagoo ku sii jeeda Mandera ay weerareen burcad hubeysan oo gubey mid ka mid ah gawaarida, isla markaana dhanka Somalia ula baxsadey laba gaari, halka gaarigii afraad uu ka baxsadey dableydaasi.

Ciidamo boolis ah ayaa ku baxay dableydaasi hubeysana waxaana is-rasaaseyn xooggan oo labada dhinac dhex marey ay sababtey in la waayo laba sarkaal oo boolis ah iyo saddex ka tirsan ciidamada keydka amniga ee Kenya sida ku xusan qoraalkan uu ku saxiixan yahay Taliyaha Guud ee Booliska Kenya David Kimaiyo.|
XS
SM
MD
LG