Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiir iyo Machar oo Heshiis Gaaray


Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo ninka ay ishayaan ee Riek Machar ayaa xalay kala saxiixday heshiis xabad-joojin ah oo lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi ka socota.

Markii ugu horreysay ayay labadan hoggaamiye si fool-ka fool ah isku soo horfadhiisteen magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne alva Kiir ayaa sheegay in haddii ay sii wadaan howsha marka la eego waxay saxiixeen, ay taasi keeni doonto in dhiiga qubanaya uu joogsado. Qofna mar danbe xabad kuma ridi doono qof kale”

Hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa isagu sheegay inuu ku qanacsan yahay heshiiska, wuxuuna sheegay in saxiixida heshiiskan u dirayo fariiin ah in colaaddan ay tahay in si nabadgelyo ah lagu soo afjaro.

Labada hoggaamiye ayaa qoraalka heshiiska isweydaarsaday, iyagoon is gacan qaadin.

Dhex-dhexaadiyaha wadahadallan oo ah RW Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in labada hoggaamiya ay tahay inay si run ah uga dhabeeyaan mabaadii’da heshiiskan si ay nabad waarta u keento.

Labada hoggaamiye ee Suudaanta Koonfureed, ayaa sidoo kale isku raacay in xukuumadda KMG ay tahay fursadda ugu fiican ee dalka horey loogu sii wado kari. Ma jirto warar dheeraad ah oo ku saabsan cidda ka mid noqonaysa dowladda KMG

Afhayeenka ciidamada Suudaanta Koonfureed, Colonel Philip Auger ayaa VOA u sheegay in ciidankoodu ay diyaar u yihiin inay dhaqangaliyaan heshiiska xabad-joojinta.


Heshiiskan xabad-joojinta oo dhaqan-galaya maanta oo Sabti ah, ayaa ah kii labaad ee dhinacyadu gaadhaan, iyadoo kii hore oo la saxiixay bishii January uu burburay maalmo gudahood.

XGQM, Ban ki Moon ayaa soo dhaweeyay heshiiskan cusub, wuxuu dhinacyada ugu baaqay inay si deg-deg ah balanqaadka ay galeen fici ahaanl ugu baddalaaan.

Toby Lanzer, oo ah sarkaalka ugu sareeya QM ee arrimaha Sudaanta Konfureed ayaa ku baaqay in la furo waddooyinka iyo wabiyada si ay u maraan kolonyooyinka sida gar-gaarka si ay gar-gaar u gaarsiiyaan dadka u baahan.
XS
SM
MD
LG