Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Nigeria Caawineysa


Mareykanka ayaa kaalmo dhinaca la dagaalanka argagixisada u fidinaya Nigeria, taas oo gacan ka geysaneysa baadigoobka boqolaal gabdhood oo ay bishii hore afduubeen kooxda Islaamiyiinta ee Boko Haram.

Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa sheegay in afduubkan uu yahay masiibo aad u xun, isla markaana saraakiisha amniga qaranka ee Mareykanka ay si dhow xaaladda ula socdaan.

Waxaa uu intaa ku darey in kaalmada Nigeria loo fidinayo ay isugu jirto xogta oo la is weydaarsado, xoojinta awoodda baaritaanka dembiyada iyo muhimadda badbaadinta shacabka iyo in la xaqiijiyo in xuquuqda aadanaha la difaaco lana xushmeeyo.

Bishii hore 14-keeda ayaa rag hubeysan waxay gabdhahan ka afduubteen dugsi ku yaalla magaalada Chibok, ee gobolka Borno.

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhahaasi ay soo baxsadeen, laakiin ilaa iyo 276 weli la la’ yahay.

Boko Haram ayaa sheegatey mas’uuliyadda afduubka.
XS
SM
MD
LG