Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban: Dowladda iyo Falaagada S. Sudan Waa Inay Heshiiyaan


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo haatan jooga Jamhuriyadda Suudaanta Koonfureed, ayaa ugu baaqey madaxda dowladda iyo kuwa falaagada inay xal siyaasadeed u raadiyaan dagaalka sokeeye ee ku muddada shanta bil ku dhow waddanka ka socdey.

Socdaalka halka maalin ee Mr Ban uu ku tegey Juba, ayaa waxaa u qorsheysan inuu la kulmo Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo inuu booqdo xerada Qaramada Midoobay ee Tomping, halkaas oo uu kula kulmi doono hoggaamiyeyaasha bulshada ee kumanaanka qof ee xeryahaasi magangelyada u doontey.

Safarkiisa waxaa uu ku soo beegmaya maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry uu ka digey in cunaqabateyn iyo tallaabooyin kale oo adag la qaadi doono haddii dowladda iyo xoogagga falaagada aysan la iman dadaal looga mira dhalinayo wadahadalada nabadeed.

Kerry waxaa uu sheegay inuu balanqaad ka haysto Mr Kiir oo ah inuu ka qeyb qaadanayo wadahadalada, isla markaana uu sugayo in go’aan muhiim ah uu ka soo yeero Riek Machar oo ah hoggaamiyaha falaagada.

Falaagada iyo dowladda ayaa heshiis xabbad joojin ah kala saxiixdey bishii January, hase yeeshee dagaalka ayaa weli sii socda.
XS
SM
MD
LG