Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM:Dowladda Somalia Waan Garab Taaganahay


Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii Argagixiso ee ay dadka ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabab uu ahaa mid arxan darra ah.

Golaha amaanka ayaa shacabka Somaliyeed iyo dowladda Federalka ah uga tacsiyeeyay geerida dadkii qaraxaasi uu haleelay isla markaana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay soo kabasho deg deg ah.

Goluhu wuxuu ku baaqay in aan laga harin kuwa gabood falada geeysta, kuwa abaabula iyo kuwa qarash gareeya, lana hor keeno cadaaladda.

Golaha Amaanka , ayaa sheegay in waajibaadkooda caalamiga ah, iyo Qaraarada Qaramada Mdioobay ee ka yaala Arimaha Somalia - uu farayo- inay garab istaagaan lana shaqeeyaan dowladda Somalia.

Xubnaha Golaha Amaanka waxey sheegeen in weerarada argagixiso ee noocan ah aysan marnaba wiiqi doonin taageerada uu goluhu u fidiyo dowladda Somalia, si ey u xasiliso Somalia, ugana guuleysato argagixisada Shacabka somaliyeed ka hortaagan helista nabad iyo dowlanimo ay ku caana maalaan.
XS
SM
MD
LG