Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo kale oo Magaalada Nairobi ka Dhacay


Sidoo kale wararku waxey sheegayaan in basaska ay marayeen meel aan ka fogeyn garoonka cayaaraha ee Kasaraani, waqooyiga Bari Nairobi, halkaasoo ah halka lagu xir xirayay dad Somali u badan oo lagu soo qabqabtay howlgallo dhinaca amaanka ah oo ay Booslika Kenya ka wadeen Nairobi.
Basaskaasi ayaa la ciir ciirayay rakaab marka qaraxyadu ay dhacayeen, qaraxyadaasi oo ay booliska Nairobi ku tilmaameen inay ka dhasheen walxaha qarxa oo basaskaasi lagu soo dhex qariyay.
Xarunta Gurmadka Musiibada Qaran ee Kenya ayaa sheegtay in 20 ka mid ah dadka dhaawacmay in xaaladoodu ay halis tahay.
Telefishinada Kenya iyo kuwa caalamka ayaa baahinayay muuqaalada mid ka mid ah labadaasi bas oo dhexda ka dalooshamay, iyo kan kale oo muraayadihii iyo albaabadii uu qaraxa dibadda soo dhigay.
Sabtii la soo dhaafayna, bam gacmeed lagu tuuray gaari bas ah magaalada xeebta ku taala ee labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa, waxaa ku dhintay afar qof, 15 kalena wey ku dhaawacmeen.
Baskaasi ayaa ka tagay magaalada Nairobi, qarx labaad oo isla magaaladaasi ka dhacay sabtidii ayaa lala beegsaday, hotel ku dhow xeebta, laakiin cidina waxba kuma aysan noqon.
Cidina weli ma aysan sheegan weeraradan ugu dambeeyay.
Hasa yeeshee, Kooxda al-qacida lala xiriiriyo ee Somalia Al-Shabab ayaa dalkaasi Kenya ka geysaneysay qaraxyo xiriir ah tan iyo markii ciidamada milatariga Kenya ay gudaha u galeen Somalia, bishii October sanadkii 2011kii.
Weerarkii ugu xumaa ee ay al-shabab ka geysato Kenya waxaa uu ahaa, kii bishii September, ee sanadkii tagay – ay dhowr ka tirsan maleeshiyada Al-shabab ku galeen, afar maalmoodna ay ku heysteen – dhismaha ganacsiga ee West Gate ee Nairobi - kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 67 qof.
Kenya yaaa horey wacad ugu martay inay joojineyso weeraradaas, waxaana howlgallo xooggan oo ciidamada Boolsika Kenya ay ku qaadeen bishii tagtay – qeybo ka mid ah magaalada -oo ay ugu horeyso – xaafadda Eastleigh ee ay Somalidu deggentahay- lagu soo qabqabtay dad ka badan 4 kun oo qof oo Somali u badnaa.
Howlgalkan oo Kenya ay ugu magac dartay Usalama ayaa intii uu socday waxaa ciidamada Keny, ay masaafuriyeen qaar badan oo ka mid ah Somalidii ay qabqabteen oo ay sheegeen in dalkaasi ay sharci darro ku joogeen.
Waxaa kaloo intii uu howlgalkan socday, lagu xiray muddo kooban Siyad Maxamud Shire, oo ah qunsulka Safaaradda Somalia ee Nairobi.
Xarigaas ayaa ka careysiiyay dowladda Somalia.
Weerarada laga geysanayay Magaalada Nairobi ayaa saameyn weyn ku yeeshay somalida dalkaasi ku nool gaar ahaan – ganacsiga xaafadda ay sida aadka ah u degenyihiin ee Eastleigh iyo nolosha iyo amaanka Somali badan oo qaxooti ahaan ku jooga Kenya.
XS
SM
MD
LG