Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Nigeria


Volunteer rescue workers travel on a police van used to evacuate victims after a bombing to Asokoro General Hospital in Abuja May 1, 2014.
Volunteer rescue workers travel on a police van used to evacuate victims after a bombing to Asokoro General Hospital in Abuja May 1, 2014.
Qarax gaari bambaano laga soo buuxiyey ayaa waxaa ku dhintey 18 qof goob basaska laga raaco oo ku taalla duleedka caasimadda Nigeria ee Abuja.

Ciidamada Booliska ayaa sheegey in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa oo dhacay gelinkii dambe ee maalinta Khamiista. Qaraxan waxaa uu ka dhacay goob ku dhow halkii bishii April 14-keeda uu ka dhacay qarax lala beegsadey meel basaska laga raaco halkaa oo ay ku dhinteen 75 qof.

Kooxda Islaamiyiinta mayalka adag ee Boko Haram ayaa sheegatey mas’uuliyadda weerarkii dhacay bishii April. Hase yeeshee ma jirto cid sheegatey weerarkan ugu dambeeyey.

Nigeria ayaa qorsheyneysa inay toddobaadka dambe martigeliso Shirweyne caalami ah ooo looga hadlayo dhaqaalaha Afrika (World Economic Forum on Africa). Madaxweyne Goodluck Jonathan ayaa balanqaadey in la qaadi doono tallaabooyin kheyrul caadi ah oo lagu sugayo amniga.

Maalintii Khamiista, Mr. Jonathan waxaa uu sheegay in Nigeria ay ka adkaan doonto waxa uu ugu yeerey kuwa dhibka iyo xumaanta wada ee doonaya inay ceebeeyaan aadminimada.
XS
SM
MD
LG