Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo 683 Ruux Dil Lagu Xukumey


Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntey 683 xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka, kadib markii lagu heley dembiyo ay ka mid yihiin dil loo geystey sarkaal booliska ka tirsan iyo falal kale oo rabshadeed oo amniga lagu carqaladeynayey.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukunkaasi maanta ka ridey magaalada Minya oo ilaa 200 kilometer dhanka koonfureed ka xigta magaalada Qaahira.

Dacwaddan ayaa lala xiriirinayaa banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Minya iyo qeybo kale oo Masar ka tirsan, markii ciidamada ammaanka ay xoog ku kala eryeen banaanbaxyo ay dhigayeen taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin bishii August ee sannadkii la soo dhaafey.

Boqolaal qof ayaa lagu diley olole balaaran oo lagu kala eryayey taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuurey ee Mohammed Morsi.

Bishii la soo dhaafey isla maxkamaddan ayaa 529 qof ku xukuntey dil, iyagoo lagu heley isla dembiga lagu heley dadka maanta la xukumey. Dacwaddaas ayaa socotey muddo laba maalmood oo qura, waxayna keentey in beesha caalamka ay dhaleeceyaan su’aalna ka keenaan in xukunkaasi uu caddaalad ku saleysnaa iyo in kale.

Mas’uuliyiinta dowladda Ku meel gaarka ah ee Masar ayaa wada hawlgallo lagu ugaarsanayo ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ku tilmaameen inuu yahay urur argagixiso, isla markaana xabsiga dhigey qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka.
XS
SM
MD
LG