Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu Dilay Tuulada Muuri ee Sh. Hoose


Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacday tuulada Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan waxaa sidoo kale ku afar qof oo kale.

Falkan ayaa dhacay kadib marmkii hubeysan ayaa weerareen masjid ay dad kutub ku akhrisanayeen oo ku yaala deegaanka Muuri ee ku dhow tuulada Number 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah shanta qof ee la dilay uu ahaa wadad degaankasi caan ka ahaa.

Guddoomiye kuxigeenka xagga siyaasadda gobolka Shabeellaha hoose Cabdullahi Muse ayaa VOA u sheegay in rag dhar cad ahaa oo ka tirsanaa ciidmada militariga dowladda ay uga shakisanyihiin in dadkaasi ay laayeen, laguna daba joogo.
XS
SM
MD
LG