Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hooyo Ubax: Wiilkayga Ha la Iigeeyo


Ubax Maxamed C/laahi oo ah Hooyada Dhashay wiilka Soomaali Maraykanka ah ee ku dhuuntay lugta diyaarad iskaga kala gooshaysay California iyo Hawai ayaa sheegtay inay dooneyso in lala mideeyo wiilkeeda.

Ubax ayaa iyadoo ku sugan xerada qaxootiga ee “Sheed Dheer,” ee bariga Ethiopia, waxay VOA u sheegtay inay ka naxday markii ay heshay aqbaarta la xiriirta dhacdada uu sida mucjisada leh uga badbaaday wiilkeeda.

Hooyo Ubax ayaa ku eedeysay Aabaha dhalay wiilkan inuu caruurteeda u sheegay inay dhimatay sidaasna ay muddo xiriirkooda ku la'eyd.

Hooyada ayaa dowladda Maraykanka iyo hay'addaha ka codsatay in lala mideeyo oo loo geeyo wiilkeeda iyo caruurteeda kale ee ku sugan Maraykanka.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00
XS
SM
MD
LG