Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN oo Dhaleeceysey Dhinacyada Isku Haya Syria


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ay khasab ku tahay inuu qaado tallaabooyin lagula tacaalayo waxaa uu ugu yeeray xadgudubyada waxashnimada ah ee xeerarka caalamka ee ka dhacaya Syria, halkaas oo malaayiin qof aysan awoodin inay helaan gargaarka aadminimo ee sida weyn ay ugu baahan yihiin.

Warbixin cusub oo uu soo hordhigey golaha, Mr Ban waxaa uu sheegay in labada dhinac ee kala ah dowladda iyo dagaalyahannada mucaaradka ee Syria ay ku guuldareysteen inay gargaarka aadminimo u fasaxaan dadka dhibaateysan sida horey loogu dalbadey qaraar Golaha Ammaanka uu meel mariyey bishii February.

Waxaa uu intaa ku darey in dhinacyada dagaalamaya ay khasab tahay inay qaadaan go’doominta ay ku hayaan goobaha shacabku deggan yihiin, isagoo ceeb ku timaamey in dadka lagu qasbo inay ku noolaadaan xaaladaha noocaasi oo kale ah.

Madaxda hay’adaha aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa war wadajir ay u soo saareen waxay ku sheegeen in labada dhinac eek u lug leh dagaalka Syria ay xanibayaan gargaarka la gaarsiinayo shacabka Syria, halkaas oo xaaladda aadminimo ay sii xumaaneyso.
XS
SM
MD
LG