Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Xasuuqa S. Sudan Waa Wax Laga Naxo


Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa ugu baaqdey beesha caalamka inay cunaqabateyn ku soo rogaan shakhsiyaadka ka mas’uulka ah in la beegsado dadka rayidka ah ee Jamhuriyadda Suudaanta Koonfureed.

Power ayaa ka qeybgashey kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka uu shaley ka yeeshey xaaladda Suudaanta Koonfureed.

Diblomaasiyiinta ka qeybgashey kulankaasi ayaa isha mariyey sawiro ay Danjire Power ku tilmaantey inay ahaayeen kuwo laga naxo oo ku saabsan xasuuq toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Bentiu.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in falaagada ay dileen boqolaal qof iyagoo u eegay waddanka ay u dhasheen iyo qowmiyadda ay ka soo jeedaan kadib markii ay qabsadeen magaalada Bentiu 15 April. Afhayeenno u hadley mucaaradka ayaa beeniyey inay ka dambeeyeen dilalkaasi.

Power ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in colaadda ka jirta Suudaanta Koonfureed ay dalka gelisey xaalad khatar ah, isla markaana dowladda ka jirta magaalada Jubba ay kicineyso colaad ka dhan ah ciidamada nabad ilaalinta.
XS
SM
MD
LG