Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Booliis oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Nairobi


Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay dhinteen markii uu qarax ka dhacay banaanka saldhigga booliiska Pangani ee magaalada Nairobi.
Sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil magacooda ka gaabsaday, afarta dhimatay, labo ka mid ahi waxay ahaayeen saraakiil booliiska ka tirsan. Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ahaa mid ismaadiimin ah.

Madaxa booliiska David Kimaiyo oo goobta shilku ka dhacay booqday ayaa isna xaqiijiyey dhimashada.
Wixii warar ah ee shilkan ka soo kordha, waxaad ku maqli doontaan idaacadahayaga soo socda.
XS
SM
MD
LG