Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falaagada S.Sudan oo Beeniyey inay Dilal Geysteen


People fleeing violence in Bentiu, the capital of Unity state, South Sudan, arriving at UNMISS base on 15 April 2014 to seek shelter. Photo: UNMISS/Mihad Abdallah
People fleeing violence in Bentiu, the capital of Unity state, South Sudan, arriving at UNMISS base on 15 April 2014 to seek shelter. Photo: UNMISS/Mihad Abdallah
Falaagada dalka Suudaanta Koonfureed ayaa beeniyey eedeymaha Qaramada Midoobay ee ah inay dileen boqolaal qof markii ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalo yar oo dalka ku taalla.

Afhayeenka falaagada, Lul Ruai Koang, ayaa sheegay in dagaalyahannada mucaaradka aaney mas’uul ka ahayn dilalka ka dhacay magaalada Bentiu, isagoo eedda dusha ka saarey kooxo kale oo ay ku jiraan ciidamada dowladda.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in falaagada ay masjid ku dileen in ka badan 200 oo qof oo rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen in ka badan 400, kuwaas oo halkaa u galey iyagoo ka cararaya dagaalka.

Qaramada Midoobay waxay intaa ku dartey in falaagada loo yaqaano SPLA garabka mucaaradka ay dadka qaar iyagoo u eegay dalalka ay u dhasheen iyo qowmiyadahooda ay geeyeen meel ammaan ah ka hor inata aaney kuwa kale dilin.

Afhayeen kale oo u hadley mucaaradka oo magaciisa la yoraahdo James Gadet Dak ayaa VOA u sheegay in falaagada ay qabsadeen magaalo kale oo magaceeda la yiraahdo Mayom oo isla gobolka ku taalla.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisey in dagaal uu ka socdo agagaarka magaaladaasi, laakiin ma xaqiijin in ciidamada falaagada ay la wareegeen.
XS
SM
MD
LG