Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dahabshiil iyo Barclays Bank oo Heshiis Gaadhay


Agaasimaha Dahabshiil, C/rashiid Dahabshiil
Agaasimaha Dahabshiil, C/rashiid Dahabshiil
Shirkadda Dahabshiil iyo Bankiga Barclays Bank ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u gaaray heshiis, kaasi oo meesha ka saaraya dacwaddii dhinaca maxkmadda ee labada dhinac u dhaxaysay.

Sida ku xusan warsaxaafadeed ay Shirkadda Dahabshiil soo saaratay, qodobada heshiiskan oo ka dhacay London, waxaa ka mid ah in la helo muddo kumeel gaadh ah oo shirkadda Dahabshiil fursad loo siiyo inay xidhiidhkii macaamil ee ay la lahayd Baanka Barclays, ay ku raadsato adeegyo kale oo u bedala macaamilkii baankaas.

Agaasimaha Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale (Dahabshiil) oo ah agaasimaha shirkaddaasi ayaa VOAda u sheegay in hawlihii shirkadda Dahabshiil ay si caadi ah u socon doonaan isla markaana ay macaamiisha shirkaddu si caadi ah u heli doonaan adeegyadii ay shirkaddu u qaban jirtay.

Waraysiga agaasimaha shirkadda Dahabshiil oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00
XS
SM
MD
LG