Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Ukraine oo Cirka Isku Shareertay


Gawarida gaashaaman iyo kuwa xambaara ciidamada oo calanka Ruushka uu ka dulbabanayay oo ay saaranyihiin rag hubeysan ayaa gaaf wareegayay magaalada ku taala dalka Ukraine ee Sloviansk ee u dhow xadka uu dalkaasi la wadaago Ruushka maanta oo Arbaca ah.

Qaar ka mid ah ragga saaran gaadiidkan ayaa ku andacooday inay yihiin ciidamada Ukraine oo ku biiray dhinacyada Taageersan Ruushka ee maalmahanba gacanta ku hayay dhowr dhimo oo ay dowladu ku leedahay magaaladaas.

Sidoo kale, rag hubeysan oo taageersan Ruushka ayaa la wareegay xafiiska duqa magaalada iyo kan golaha deegaanka magaalada Donetsk – oo ah magaalo kale oo ay kooxaha gooni u goosad doonka ahi dalbanayaan in laga qaado afti ay ku doonayaan inay kaga go’aan Ukraine oo ay ku biiraan Ruushka.

Xukumadda Ukraine ayaa bilowday Talaadadii shalay howlgallo ay ku sheegtay inay kula dagaalameyso argagixisada – si ey isugu daydo inay dib u qabsato dhismooyinka dowladda ee ay qabsadeen dadka dibad baxyada ka wada gobolka.

Waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya gobolka oo la xiriira rasaas la maqalayay, hadii ay jiraan dad wax ku noqday iyo cidda maashusha dhismooyinkii dowladda ee la qabsaday.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Puttin ayaa sheegay in mushkiladaha ka sii socda Ukraine ay dalkaasi qarka u saareen inuu galo dagaalo sokeeye.
XS
SM
MD
LG