Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Wasiir la Afduubay


Afghanistan Elections
Afghanistan Elections
Rag hubeysan ayaa afduubay wasiir ku-xigeenka hawlaha guud ee Afghanistan.

Booliska ayaa sheegay in Mr Ahmad Shah Wahid xoog looga soo dejiyey gaarigiisa, isagoo shaqo ugu socda degmada Khir Khana ee waqooyiga Kabul.

Ujeeddada afduubkan lama oga, mana jirto cid sheegatey mas’uuliyadda afduubka wasiirka.

Saraakiil badan oo ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa la adfuubay ama la dilay sannooyinkii dhowaa.

Afduubkan ayaa ku soo beegmaya toban maalmood kadib doorashadii madaxtinimada ee Afghanistan, taas oo ku dhacdey si xasilooni ah.
XS
SM
MD
LG