Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad Cusub oo ka Bilaabatay Bariga Ukraine


Ciidamada gaarka ah ee dalka Ukraine iyo militia raacsan dalka Ruushka ayaa Axaddii maanta xabado isku weydaarsaday magaalada Slovynsk ee bariga dalka Ukraine, iyada oo labada dhinacba ay khasaare sheegayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in sarkaal ciidanka ammaanka ka tirsan la dilay, 5 kalena la dhaawacay. Iska hor imaadkan ayaa ah kii ugu dambeeyey ilaa markii dalka Ruushku uu bishii hore qabsaday gobolka Crimea. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii Ruushka raacsanaa ayaa isna la dilay, labo kalena waa la dhaawacay.

Hadal kasoo baxay madaxa Gaashaanbuurta NATO Anders Fogh Rasmussen ayaa lagu sheegay in uu “aad uga welwelsan yahay” xiisadda sii kordhaysa ee gobolka ka jirta. Waxa uu ku sheegay in falkani uu yahay “Qalalaase agaasiman oo ay ku kacayaan goonigoosata Ruushka raacsan” oo doonaya inay dalka Ukraine xasilooni daro ka abuuraan.

Fogh Rasmussen ayaa Ruushka ugu baaqay in uu “xiisadda dejiyo”, lana baxo kumanaanka ciidan ee jooga goobo u dhow xuduudda labada dal.
XS
SM
MD
LG