Isku xirrada

UN: Muslimiinta J.A. Dhexe Hala Badbaadiyo


Muslim children gather at a water pump outside the mosque at PK12 in Bangui, Central African Republic, Thursday April 10, 2014.

Muslim children gather at a water pump outside the mosque at PK12 in Bangui, Central African Republic, Thursday April 10, 2014.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in 19,000 oo ka mid ah Muslimiinta dalka Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ay ku sugan yihiin khatar , isla markaana ay khasab tahay in loo raro magaalooyin amni leh oo ku yaalla waqooyiga ama in la geeyo dal dibedda ah.

Arintan ayaa loo arkaa in fulinteeda ay adag tahay, iyadoo kumanaan Muslimiin ah oo ay horey uga carareen guryahooda ku yaalla caasimadda iyo galbeedka dalka, sababo la xiriira cabsi ay ka qabeen in weeraro lala beegsado.

Mas’uuliyiinta maxalliga ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe qaarkood ayaa sheegaya in haddii dadkaasi la raro ama meelo kale la geeyo ay taasi sii dhiirigelineyso kala qeybsanaanta jirta, dhanka kalena ay xoojineyso baaq ku saabsan in dalka la kala gooyo.
XS
SM
MD
LG