Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Ukraine oo Eedeeyey Russia


Ukraine, Donetsk, Luhansk and Kharkiv
Ukraine, Donetsk, Luhansk and Kharkiv
Raiisul Wasaaraha Ukraine ayaa ku eedeeyey Ruushka inuu taageerayo banaanbaxyada gooni u goosadka ee dalka ka jira, oo ay ku jiraan falalka lagu qabsadey dhismeyaasha dowladda ee ku yaalla saddex magaalo oo bariga Ukraine ka tirsan.

Arseniy Yatsenyuk waxaa uu golaha wasiirada u sheegay in Ruushka uu ka dambeeyo rabshadaha ka dillaacay magaalooyinka bariga ku yaalla ee Donetsk, Luhansk, iyo Kharkiv.

Waxaa uu sheegay in banaanbaxyadaasi ay si cad qeyb uga yihiin qorshe la doonayo in xasiloonida lagu khalkhal geliyo, kadibna loo oggolaado in ciidamo shisheeye ay xadka ka soo tallaabaan ayna qabsadaan dhulka Ukraine.

Mr. Yatsenyuk waxaa uu sheegay in ciidamada Ruushka ay weli ku sugan yihiin meel 30 kilo meter m u jirta Ukraine.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtey in madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ukraine, Oleksandr Turchnyov, uu isna ku eedeeyey Ruushka inuu ka dambeeyey banaanbaxyadii dhacay maalintii Axadda, isla markaana uu ku eedeeyey inay cayaarayaan hab la mid ah kii ay u adeegsadeen gobolka Crimea.

Waxaa uu balanqaadey in la qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah argagixisada.
XS
SM
MD
LG