Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan oo Madaxweyne Cusub Dooraneysa


Saraakiisha Doorashada ee Afghanistan ayaa go’aan ku gaaray inay kordhiyaan waqtiga ay furaanayaan goobaha codbixinta doorashada Madaxtinimo, si ey u hubiyaan in qof walba uu fursad u helo inuu codkiisa dhiibto.

Codbixyeyaasha ayaa raxan raxan ugu dareerayay goobaha codbixinta iyadoo in ka badan 200 oo kun oo askarta wadankaasi ah ay sugayeen amaanka.

Dalka Pakistan oo deris la ah Afghanistan oo ay ku xoogantahay Taliban ayaa xiray dhamaan xuduudaha la isaga kala goosho labada wadan.

Taliban ayaa horey wacad ugu martay inay qarbudaad ka geysan doonto doorashada, iyadoo uga digtay dadweynaha inay u soo baxaan.

Ilaa iyo sideed murashax ayaa u baratamaya doorshada. Dastuurka dalkaasi ayaa u diidaya Madaxweyne Karzai inuu mar kale doorashada u odro.

Natiijada lama filayo in lagu dhawaaqo dhawaan. Waxaa laga yaabaa inay qaadato todobaadyo, maadaa hadii murashixiinta midkoodna uusan helin kala bar codadka, waxaa loo baahnayaa in doorashada lagu celiyo.
XS
SM
MD
LG