Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fakhriga Madowga iyo Latinos-ka USA


Ulusal Kent Birliği (National Urban League) Başkanı Marc Morial
Ulusal Kent Birliği (National Urban League) Başkanı Marc Morial
Warbixin cusub ayaa sheegaysa in dadka madow iyo dadka loo yaqaano Latinos ee Mareykanka ku nool uu dhaqaalahooda hoos u sii dhacayo marka la barbardhigo caddaanka.

Urur magaciisa la yiraahdo The National Urban League ayaa warbixin sannadeedkiisa oo uu ugu magac darey "Ummad Shaqo la’aantu ay ku Baahday " waxaa uu ku xusey in madowga Mareykanka iyo Latinos-ka heerkooda shaqo la’aan uu aad u sarreeyo, isla markaana dakhligooda uu aad uga hooseeyo caddaanka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ka badan boqolkiiba labaatan dadka madowga iyo 18 boqolkiiba ee dadka Latinos-ka ay shaqo la’aan yihiin, amaba ay shaqeeyaan shaqo muddo dhimman, iyagoo u baahan shaqo joogta ah marka la barbardhigo 12 boqolkiiba ee shaqaalaha caddaanka ah.

Madaxa ururka National Urban League Marc Morial, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka jiro "faraq weyn " oo u dhexeeya dadka guryaha leh, kuwa haysta shaqooyin sugan, kuwa leh xisaabaadka kaydka bankiyada iyo kuwo noloshooda ay aad u hooseyso.
XS
SM
MD
LG