Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Nairobi


Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in 7 qof ay dhinteen, tiro kalena ay dhaawacantay, ka dib qarax habeenkii xalay ahaa ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Dadkii dhaawacmay ayaa cusbitaalada loo qaaday. Sababta qaraxa keentay ayaan ilaa iyo hadda la ogaanin. Qaraxan ayaa yimid iyada oo Axaddii uu nin Kenya u dhashay uu ku dhintay qarax ka dhacay meel kale oo magaalada Nairobi ku taalla.

Hadaba Ibrahim Hassan Daandurey ayaa khadka talefoonka ee magaalada Nairobi kula xiiray Ahmed Mohamed ( Ahmed-Security) oo ah sarkaalka u xilsaaran nabadgelyada xaafada Islii.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:41 0:00
XS
SM
MD
LG