Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisado Cusub oo u Dhexeeya Labada Kuuriya


APTOPIX South Korea Koreas Tension
APTOPIX South Korea Koreas Tension
Waqooyiga Kuuriya ayaa hubka culus ku riddey biyaha Koonfuurta Kuuriya, talaabadaas oo u muuqatey mid looga jawaabayo dhoolatus milateri oo wadajir ay u sameynayaan Mareykanka iyo Koonfuurta Kuuriya.

Xukuumadda Seoul ayaa iyana degdeg jawaab u bixisey, iyadoo madaafiic la dhacdey biyaha Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiisha ayaa sheegey in madaafiicda la is weydaarsadey aaney ku dhicin dhulka labada dal midkoodna, isla markaana aanu jirin dad ku wax ku noqdey.
Saraakiisha Koonfuurta Kuuriya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka deggan jasiiradaha xadka ku yaalla la daadguureeyey, lana geeyey goobo ay gabbaad ka dhigtaan.

Waqooyiga ayaa toddobaadyadii dhowaa waxay sare u qaaddey hadalo hanjabad ah, isla markaana gacabka Kuuriya ka fulisey tijaabada gantaalaha riddada dheer.

Xukuumadda Pyongyang ayaa maalintii Axadda waxay ku hanjabtey inay sameyn doonto qaab cusub oo tijaabada nuclearka, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyey tijaabooyinka gantaallaha riddada dheer ee Waqooyiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan karin Golaha Ammaanka oo iska indha tiraya dhoolatuska dagaalka nuclearka ee Mareykanku wado , halka uu Golahaasi ka dhaleeceynayo talaabada is difaacidda ku dhisan ee Waqooyiga Kuuriya ee dhoolatuska gantaallaha.
XS
SM
MD
LG