Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey:Guusha Xisbiga Erdogan ee Doorashada


Ra’isul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay ragga ay siyaasadda isku hayaan inay ka shaleyn doonaan – eedeyntii ay ku eedeeyeen isaga iyo xisbigiisa musuqmaasuq.

Mr. Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay mar uu gelinkii dambe ee Axadii shalay kula hadlayay kumanaan taageerayaashii ah magaalada Ankara, isagoo dhinaca kale guul ka sheegtay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaasi shalay ka qabsoomay.

Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxday doorashadn oo loo arko afti tihaabo u aheyd xukunkiisa, ayaa muujineysa xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta ee Mr. Erdogan inuu helay 45 boqolkiiba codadka, halka xisbiga Mucaaradka RPP uu helay 25 boqolkiiba
XS
SM
MD
LG