Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaraddii Malaysia oo la Xaqiijiyey inay Dhacdey


Malaysia plane
Malaysia plane
Dowladda Malaysia ayaa sheegtey in xogta satellite-yada ay muujinayaan in diyaaradeedii rakaabka siddey ee la la’aa inay ku burburtey koonfuurta Badweynta India.

Raiisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa sheegey in xogta la heley ee daraasadda lagu sameeyey ay soo uruurisey shirkad laga leeyahay Britain.

Xogtaasi ayaa muujineysa, in diyaaradii shirkadda Diyaaradaha Malaysian Airlines ee duulimaadka nambarkiisu yahay 370 ay ku dhacdey goob aad u fog oo ku dhow galbeedka magaalada Perth.

Waxaa uu saxaafadda u sheegey in isagoo ka xun uu shaacinayo in diyaaraddii Boeing 777 ee duulimaadkii 370 ay ku soo afjarantey koonfuurta badweynta India.

Waxaa uu sheegey in dhamaan eheladii 239 rakaab ah oo saarnaa diyaaradda lagu wargeliyey arintani. Diyaaraddan ayaan ka soo kicitintey Kuala Lumpur, waxayna ku sii jeedday magaalada Beijing .
XS
SM
MD
LG