Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Badan oo Dil Lagu Xukumey Masar


Minya, Egypt
Minya, Egypt
Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa dil ku xukuntey dad gaaraya 529 oo ka mid ah taageeraaasha madaxweynihii xilka laga tuuray Mohammed Morsi.

Dadkani ayaa waxaa lagu heley dembiyo ay ka mid yihiin dil ay u geysteen askari ka tirsanaa ciidamada booliska iyo weeraro ay ku qaadeen shacab iyo burburin hanti.

Kooxdan la xukumey ayaa qeyb ka ah 1,200 oo qof oo ka mid ah taageerayaasha Mursi oo ay ku jiraan saraakiil sare Ururka Ikhwanul Muslimiin ka tirsan.

Xukunkan waxaa gaarey garsooreyaasha maxkamadda Minya, oo ilaa iyo 200 km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Qaahira. Dadka la xukumey aya la siiyey fursad ay rafcaan kaga qaataan xukunkan.
XS
SM
MD
LG