Isku xirrada

Deeqda Waxbarasho ee Ardayda Iskuulka Abaarso


Nadiira C/laahi iyo Harry Lee

Nadiira C/laahi iyo Harry Lee

Iskuulka Abaarso Science and Technology oo ku yaalla meel 18km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Hargaysa ayaa ku guulaystay inuu arday dhan 19 uu deeq waxbarasho uga helo dalkan Maryakanka.

Iskuulka waxaa la sameeyey sannadkii 2009-ka, waxaana asaasay nin dadka wax maalgashada ah oo Maraykan ah oo lagu agacaabo Jonathan Starr.

Iskuulkan ayaa sannad walba qaata ardayda dhibcaha ugu sarreeya ka hesha dugisga hoose-dhexe ee Somaliland,waxaana lagu fueray 50 arday.

Agaaismaha Dhinaca Horumarinta ee Isuulka Abaarso Harry Lee oo nagu soo booqday istuudiyaha VOA ayaa ka warramay sida uu iskuulku u shaqeeyo.

Ardayda ka qalin jebisay iskuulka Abaarso ayaa qaarkood deeq waxbarasho looga helay dalkan Maraykanka, 13ka mid ah 19-ka arday ee ilaa haatan dalkan deeqda waxbarasho looga helay waxay dhigtana iskuullada loo yaqaan boardin-ka, halka lixda kale ay dhigtaan jaamacado ay ka mid yihiin MIT, Amherst iyo GoergeTown.

Haddaba ardayda deeqdan heshay waxaa ka mid ah Nadiira Cabdullaahi oo waddankan joogtay lix bilood. Istuudiyaha VOA oo ay nagu soo booqatay, waxaanay VOAda uga warrantay waxbarashadeeda iyo waaya –aragnimada ay ka dhaxahsay deeqdan waxbarasho.

Labada waraysi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG