Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Crimea oo u Codeeyey inuu Russia ku Biiro


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Axaddii shalay telefon ugu sheegay dhiggiisa dalka Ruush Vladimir Putin in Washington iyo xulufadeeda reer Yurub ay diyaar u yihiin inay culeys dheeri ah sii saaraan Moscow, taageerada uu Ruushku taageeray aftida uu gobolka Crimea kaga go’ayo Ukraine.

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad Axaddii ayaa aftida ku sheegay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana ay jabinayso dastuurka dalka Ukraine. Waxa kale oo hadalka Aqalka Cad uu intaas ku daray in aftidaas aanay aqoonsan doonin Maraykanka iyo bulshada caalamku.

Hadalkan labada madaxweyne ayaa yimid xili maamulka doorashada ee Crimea ay sheegeen in 95% ay dadkii codka bixiyey u codeeyeen in Crimea ay go’do oo ay ku biirto dalka Ruushka. Xogta waxa lagu dhawaaqay Axaddii xalay, iyada codadkii aftida kala bar la tiriyey. Isu soo baxa dadkii codeynayey ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxay 75 ilaa 80%.

Hogaamiyaha Ruushka raacsan ee Crimea, Sergei Aksyonov ayaa shaaciyey in dawladdiisu ay Isniinta berrito ah si rasmi u codsan doonto inay ku biirto Federationka Ruushka.

Magaalada Kyiv-na, RW-ha KMG ee Ukraine Arseniy Yatsenyuk, ayaa isaga oo ku jira kulan degdeg ah oo golihiisa wasiiradu lahaayeen, sheegay in codbixintii uu Ruushku taageerayey ay tahay “riwaayad” lagu sameeyey qori caaradii oo uu Ruushku ka dambeeyey.
XS
SM
MD
LG