Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Taageeray Dagaalka ka dhanka ah Shabab


Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay taageersan tahay howlgallada wadajirka ah ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay al-Shabab uga xorreynayaan magaallooyinka ay haysteen ee Koofurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa lagu sheegay in howgalka military uu gacan ka geysan doono fidinka amniga iyo xasilloonida dhammaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna dadajin doonaan soo celinta adeegyadii iyo hay'addaha dowliga ahaa ee Soomaaliya.

Maraykanku waxay sheegeen inay sii wadayaan taageeridda ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaalida, iyagoo ka taageeraya dhinacyada qalabka, saadka iyo tababarrada.

Maraykanka wuxuu tan iyo 2007 yaboohay in kabadan 512 Malyuun oo Dollar oo lagu taageerayo AMISOM, iyo in kabadan 171 Malyuun oo lagu disayo ciidamo tayo iyo xirfad leh oo ay yeelato dowladda Soomaaliya.

Ciidamada wadajirka ah ayaa dhowrki maalmood ee la soo dhaafay waxay ururka al-Shabaab ka qabsadeen magaallooyin dhow ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan Beledweyne ayaa la sheegayaa inay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, iyadoo magaaladaasi ay tahay magaalada kaliya ee ururka Al-Shabaab uu gacanta ku hayo.
XS
SM
MD
LG