Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Gaar ah: Hawlgalada AMISOM


Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dib uga qabsaday ururka al-Shabab dhowr magaalo ururka al-Shabab ay sheegtay in weerarkan uu qayb ka yahay dagaal dadban oo ururka al-Shabab ay kula jiraan reer galbeedka.

Hoggaamiyaha ururka al-Shabab Axmed Cabdi Godane ayaa ka hadlay weerarradii ugu dmabeeyey ee cidiamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM ay kaga qabsadeen ilaa shan magaalo oo ku yaalla Gobollada Bakool iyo Gedo.

Godane waxa uu sheegay in weerarkan lagu soo qaadya ururkiisa uu qayb ka yahay dagaal dadban oo Maraykanku ururkisa kula jiro.

Hoggaamiyaha al-Shabab waxa uu ku celiyey farriimo kasoo baxayey saraakil ka tirsna ururkiisa oo ay qabaa’illada kaga codsanayeen in gacan la siiyo.

Magaaladaii ugu dmabaysay ee laga qabsaday Al-Shabab waxay ahayd magaalada Buurdhuubo oo al-Shabaab ay ku lahaayeen saldhig weyn.

Magaalada ayaa maanta xasilloon inkastoo habeenkii xalay ay ururka Al-Shabab kusoo tureen hoobiyayaal.

Warbixin gaar ah oo arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:52 0:00
XS
SM
MD
LG