Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Caalami ah oo Muqdisho ka Dhacay


Kulan looga hadlayay siyaasadda Somalia iyo amaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiilo ka kala socday dalalka gobolka Geeska Africa, beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowladda Somalia .

Kulankaasi ayaa looga hadlay hanaanka siyaasadeed ee dowladda ee maamul u sameynta gobolada iyo gaarista higsiga dowladda ee sanadka 2016ka.

Wakiilka IGAD ee arimaha Somalia ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in ujeedada kulankaasi uu ahaa sidii taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale loola garab istaagi lahaa dowladda Somalia, loogana caawin lahaa dadaalka ay ugu jirto soo celinta amaanka caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan Somalia.

Wasiirka arimaha Gudha ee dowladda Somalia C/llahi Godax Barre ayaa sheegay in kulankaasi ay iskula lafa gureen arimo ay ka mid ahaayeen; dariiqa loo maraayo siyaasadda Somalia sanadka 2016ka, hergelinta heshiiskii Jubooyinka, arimahii ugu dambeeyay ee Baydhabo iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan, guud ahaanna Somalia.

Mudane C/llahi Godax Barre ayaa sheegay in waxyaabihii ay kulankaasi iskula soo qaadeen dowladda iyo wakiilada beesha caalamka ay is afgarad buuxa ka gaareen.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Somalia iyo AMISOM ay gulug dagaal oo xooggan ay ku doonayaa in Ururka al-Shabab ay kaga qabsadaan dhamaan deegaanada weli gacanta ugu jira ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00
XS
SM
MD
LG