Isku xirrada

Dagaal ka Qarxey Juba, S/Koonfureed


Dagaal ayaa ka dhacay xerada ugu weyn ee milateriga Suudaanta Koonfureed, halkaas oo ah goobtii uu ka qarxey dagaalkii waddankaasi ka bilowdey bartamihii bishii December.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegey in dagaalkaasi uu subaxnimadii hore ka bilowdey xerada Giada oo ku taalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Juba.

Dowladda ayaa sheegtey in dagaalku uu ka bilowdey khilaaf dhanka mushaharaadka ah.

Is-rasaaseynta ayaa ilaa iyo duhurnimadii la maqlayey, walow dowladda war soo saartey ay ku sheegtey in xaaladda ay deggan tahay. Saraakiisha ayaa ka gaabsadey inay sheegaan inay jiraan cid wax ku noqotey iska hor-imaadkan.

Xerada Giada ayaa ah halka ciidamada ilaalada madaxweynaha ay ku dagaalameen bishii December 15 keedii. Dagaalka ayaa waddanka ka dhaliyey rabshado ku saleysan siyaasad iyo isir intaba, kaas oo sababey dhimashada kumanaan qof, kumanaan kalena ay guryahooda ka carareen.
XS
SM
MD
LG