Isku xirrada

Russia: Shiinaha Waa Nagu Fikir Arrinta Ukraine

Russian Foreign Minister Sergey Lavrov speaks at an opening of a month-long session of the U.N. Human Rights Council in Geneva Monday, March 3, 2014. Lavrov on Monday justified the use of Russian troops streaming into neighboring Ukraine’s Crimea region

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtey in Shiinaha iyo Ruushka ay isku aragti ka yihiin xaaladda ka taagan dalka Ukraine, halka kooxda xubnaha ka ah waddamada G-7 ay dhaleeceynayaan waxa ay ugu yeereen xadgudubka Ruushka ee qaranimada Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa dhowaanahan xoojiyey joogitaankooda gacanka Crimea ee Ukraine, halkaas oo ay isku hareereeyeen garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada milatariga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta khadka telefonka kula xiriirey dhiggiisa Shiinaha, waxaana la filayaa inuu kulan kula yeesho magaalada Geneva Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibedda ee Shinaha Qin Gang ayaa sheegey in Shiinuhu doonayo in xasaradda taagan loo helo xal siyaasadeed.

Waddamada ku jira G-7 ayaa soo saarey war qoraal ah oo ay ugu baaqayaan Ruushka in cabashooyinka uu qabo ee ka dhanka ah Ukraine uu wadahadal toos ah ka galo amaba uu aqbalo dhexdhexaadinta Qaramada Midoobay iyo Ururka Nabadgelyada iyo Iskaashiga Yurub.
XS
SM
MD
LG