Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasaradda Ukraine oo Cirka Isku Shareertey


Armed men take up positions around the regional parliament building in the Crimean city of Simferopol, March 1, 2014.
Armed men take up positions around the regional parliament building in the Crimean city of Simferopol, March 1, 2014.
Ukraine ayaa sheegtey inay iska fogeyneyso inay xoog kala hortimaaddo waxa ay ugu yeertey daandaansiga Ruushka ee gobolka Crimea – oo ku yaalla koonfuurta Ukraine, balse xiriir dhow oo adag la leh Ruushka.

Raiisul Wasaaraha Ukraine Arsenly Yatsenyuk ayaa sheegey in dalkiisa aanu dagaal milateri la geli doonin Ruushka, waxaana uu ugu baaqey xukuumadda Moscow inay joojisodhaqdhaqaaqyada milateri ee ay ka waddo gobolka Crimea.

Dhanka kale Raiisul Wasaaraha cusub ee gobolka Kirimeya, Sergei Aksenov, ayaa sheegey inuu gacanta ku hayo dhamaan ciidamada amniga ee gobolka, waxaana uu madaxweynaha Ruushka ka dalbadey inuu gacan ka geysto sidii xasilooni loogu soo celin lahaa dalka.

Hase yeeshee Mr Aksenov ma uusan faahfaahin nooca taageerada uu ka doonayo Madaxweyne Vladimir Putin.

Mr Aksenov waxaa uu sheegey taliyihii aan dooneyn inuu u hoggaansamo amaradiisa ay u furan tahay inuu shaqada isaga tago.

Raiisul Wasaare Aksenov waxaa horaantii todobaadkan soo magacaabey baarlamanka Crimea, xilli ay sare u kacayaan xiisado ku saabsan diidmada maamulka Crimea uu kaga soo horjeedo dowladda cusub ee ka dhalatey magaalada Kiev.

Ruushka waxaa uu sheegey in dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa ka jooga Crimea ay qayb ka tahay heshiisyadii ay la gashey Ukraine, oo ay ka mid yihiin saldhigyo badeed uga kireysan magaalada Sevastopol.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isna uga digey Ruushka inuu cawaaqib kala kulmi doono haddii milatarigiisu farageliyo dalka Ukraine.

Ciidamada dalka Ruushka oo wata dabaabado iyo diyaarado waxay haatan ku sugan yihiin qaybo ka mid ah dalka Ukraine, iyagoo la wareegey goobo muhiim ah.
XS
SM
MD
LG