Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Yanukovych oo ka Tegey Kiev


Viktor Yanukovych
Viktor Yanukovych
Mucaaradka Ukriane ayaa sheegey in Madaxweyne Viktor Yanukovych uu ka tegey caasimadda, isla markaana uu ku baaqey doorashooyin madaxweyne oo waqtigooda laga soo hormariyey.

Hoggaamiyaha mucaaradka Vitaly Klitschko aya maalintii Sabtida ugu baaqey Madaxweyne Yanukovych inuu is casilo si doorashooyinka cusub ee madaxweynenimo ay u qabsoomaan intaan la gaarin bisha May.

Dhanka kale, baarlamanka ayaa doortey guddoomiye cusub, kaas oo ay isku dhow yihiin hoggaamiyaha mucaaradka ee xiran Yulia Tymoshenko.

Oleksandr Turchynov ayaa loo doortey guddoomiyaha baarlamanka maanta markii mudaneyaasha aqalka ay u codeeyeen isbeddel in lagu sameeyo sharci horseedaya in la soo daayo Tymoshenko.

Guddoomaiyaha cusub ee baarlamanka ayaa la doortey wax yar kadib markii guddoomiyihii hore ee dowladda taageersanaa Volodymyr Rybak uu soo gudbiyey iscasilaad, isagoo sheegey inuu xanuunsanayo.
XS
SM
MD
LG